Xoolo Dhaqato

 Qayb 2aad.

Horay ayaynu usoo sheegnay in Soomaalidu tahay dad xoolo dhaqato ah, una kala baxdo reer guuraa iyo reer magaal, haddaba maxay yihiin xoolaha Soomaalidu dhaqato?. Soomaalidu waxa ay dhaqataa affarta meesi xoolaad ee kala ah Geel, Gammaan, Ari iyo Lo'. Haddaba aynu mid kaasta si faahfaahsan u dheehanno.

1 Geel

Geelu waa meesiga 1aad marka laga hadlayo qiima ahaan xoolaha Soomaalidu dhaqato. Waa noole dhaadheer oo cajiib ah una adkaysta harraadka, cagaagga, iyo yibalka aysan u adkaysan karin saddexda meesi ee kale. Waa noole yaab leh oo xattaa Qur'aanka ayaa lagu sheegay inuu yahay noole cibra qaadasho leh.

Marka la abla ablaynayo geela waxa loo kala saaraa Godol iyo Gaadiid. Godol waa geela dheddig halka Gaadiidkuna yahay qaybta lab (Awrta). Mar kale geela ka hadalkiisa waxa jira ereyo badan oo loo adeegsado sida

Galoof: waa geel aan irmaanayn aanna rimmanayn.

Gaane: waa geel aan irmaanayn, aan markaas lagu qabin dheef caanood

Ramag/Ramad: waa geel dhalay dhowaan. Waxa dhacda dadka qaarkiis inay caanaha ugu horreeya e geela ku tibaaxaan ramag mase aha e ramag waa geela caanaha ugu horreya ee laga liso hal markaas dhashayna waxa la dhehaa Shilmooloho. 

Qaalin: waa magaca loo yaqaan nirigtu ama ratigu marka uu koro oo 2 sano illaa 4 sano u dhexayo. waa isku dhigid haseyeeshee waa kala dhawaaq marka la tilmaamayo neef lab ama dheddig 

Qurbac: waa rati yar, nirigga hooyadiis ku irmaantahay. 

Amayr/Ameer: waa magac loo adeegsado in lagu tibaaxo qaanka, amayr waa tulud aan curan haseyeeshee geel farihiis ah 

Baatir: waa neef geel ah oo dheddig aadna u xooggan joogtana da'dii geelu ku dhali jiray, iyaduse aan dhalin. Qaalin aan rimin aadna u naaxsan aanna curan halka filkeed ubad leeyahay.


Comments

Popular posts from this blog

Xoolo Dhaqato