Xoolo Dhaqato

  Soomaalidu waxay ahayd waagii hore dhammaan dad xoolo dhaqato wada ah, mar dambe ayeyse timi in magaalooyin la samaysto loona kala boxo qolo reer guuraa ah oo xoolaha dhaqata marbana meel ula guurta iyo qolo reer magaal ah, oo iyagu magaalooyinka deggan. Qolada dambe ee casrikeenta ahi waa qolo degaan ah aanna guurguurin, haddiibase ay guurayaan waa inay magaalo ka guuraan oo magaalo kale tagaan, tusaale xilliga kulaylaha Soomaaliya magaalooyinka xeebaha waa laga guuraa waxana loo yaqaannaa (Xagaa Bax) . Qolada reerguuraagu waa geeddi u joog oo hadba meeshii xoolaha baad iyo biyo u leh bay u guuraan. Marka ay guurayaan waxay ku kala baxaan,

1 Hayaan: waa geeddi dheer oo waqti badan qaadanaya, badanaaba dhawr caana maal baa tubta lagu joogaa, marka meel habeenkii lagu nastona waxa la dhehaa Dhixid. 

2 Geeddi: waa guurid hayaanka ka gaaban oo qaadata maalin ama ugu badnaan hal ama laba caana maal. 

3 Rogasho: waa guurid yar oo aan masaafo dheer la jarayn, siiba waa ilaa 5KM ilaa 15KM. 

Socodka geeddigu waa magacyo badan yahay, waxayna ku kala duwanyihiin xilliga socodkaasi yahay, bal fiiri kuwan soo socda.

1 Jarmaado: waa socodka geeddiga ee hiirta waaberi ah, inta aan la tukan salaadda subax ilaa inta cadceeddu kasoo baxayso. Kallahaad/kallahid socosho aroor hore, socod waaberigii la socdo iayadoo iftiin jiro.

2 Maalin sawaal: waa socodka geeddiga e aroortii ilaa galabtii sida xiriirka ah loo socdo. 

3 Dhalan dhool: marka geeddigu xilli qorraxdh kulushahay soconayo. Gadiidkii, duhurkii ilaa galabtii. 

4 Boqool/Bokhool: waa socod maalmeed badanaaba waxa uu ka dambeeyaa gadiidka. Xilliga qadada socodka meel loogu koco. 

5 Carraabo: waa galabtii socodka ah e dheelmashada u badan. Dheelmasho waa marka xoolaha daaq tegey ay xeryohooda kusoo noqonayaan. 

6 Fiid kac: Waa marka reerka guuraya ay gudaan oo habeenkii socdaan, badanaaba waxa la dhehaa reer hebel waa fiid keceen iyadoo loola jeedo xalay fiidkii bay guureen.

Marka aynu ka hadlayno socodka, keliya kama hadlayno geeddi socodkiis e waxa magacyadan loo adeegsan karaa socodkasta oo la socdo habeen iyo maalinba, tusaale hebel baa guureeyey haddaa maqasho waa hebel baa habeen socday. Sidaas oo kale baa loogu adeegsan karaa dad iyo duunyoba. 


Bulshada labadeeda jaad ee aynu soo sheegnay waxa wehelisa qolo kale oo ka geddisan labadan, midkasta se ay wax wadaagaan. Waa qolo xoolo dhaqatona ah magaalana ka warqabta, waa sii kala baxbaxdaa waxaana ka mid ah dadka loo yaqaanno maxaysato, waa dad xoolo yar haysta magaaladana ku dhow oo aynu oran karno waa miyi iyo magaalo joog. 

Lasoco Q2.


Comments

Popular posts from this blog

Xoolo Dhaqato