Posts

Showing posts from March, 2023

Xoolo Dhaqato

  Soomaalidu waxay ahayd waagii hore dhammaan dad xoolo dhaqato wada ah, mar dambe ayeyse timi in magaalooyin la samaysto loona kala boxo qolo reer guuraa ah oo xoolaha dhaqata marbana meel ula guurta iyo qolo reer magaal ah, oo iyagu magaalooyinka deggan. Qolada dambe ee casrikeenta ahi waa qolo degaan ah aanna guurguurin, haddiibase ay guurayaan waa inay magaalo ka guuraan oo magaalo kale tagaan, tusaale xilliga kulaylaha Soomaaliya magaalooyinka xeebaha waa laga guuraa waxana loo yaqaannaa (Xagaa Bax) . Qolada reerguuraagu waa geeddi u joog oo hadba meeshii xoolaha baad iyo biyo u leh bay u guuraan. Marka ay guurayaan waxay ku kala baxaan, 1 Hayaan: waa geeddi dheer oo waqti badan qaadanaya, badanaaba dhawr caana maal baa tubta lagu joogaa, marka meel habeenkii lagu nastona waxa la dhehaa Dhixid.  2 Geeddi: waa guurid hayaanka ka gaaban oo qaadata maalin ama ugu badnaan hal ama laba caana maal.  3 Rogasho: waa guurid yar oo aan masaafo dheer la jarayn, siiba waa ilaa 5...