Xoolo Dhaqato
Qayb 2aad. Horay ayaynu usoo sheegnay in Soomaalidu tahay dad xoolo dhaqato ah, una kala baxdo reer guuraa iyo reer magaal, haddaba maxay yihiin xoolaha Soomaalidu dhaqato?. Soomaalidu waxa ay dhaqataa affarta meesi xoolaad ee kala ah Geel, Gammaan, Ari iyo Lo'. Haddaba aynu mid kaasta si faahfaahsan u dheehanno. 1 Geel Geelu waa meesiga 1aad marka laga hadlayo qiima ahaan xoolaha Soomaalidu dhaqato. Waa noole dhaadheer oo cajiib ah una adkaysta harraadka, cagaagga, iyo yibalka aysan u adkaysan karin saddexda meesi ee kale. Waa noole yaab leh oo xattaa Qur'aanka ayaa lagu sheegay inuu yahay noole cibra qaadasho leh. Marka la abla ablaynayo geela waxa loo kala saaraa Godol iyo Gaadiid. Godol waa geela dheddig halka Gaadiidkuna yahay qaybta lab (Awrta). Mar kale geela ka hadalkiisa waxa jira ereyo badan oo loo adeegsado sida Galoof: waa geel aan irmaanayn aanna rimmanayn. Gaane: waa geel aan irmaanayn, aan markaas lagu qabin dheef caanood Ramag/Ramad: waa geel dhalay dhowaan. Wa...